Advertisements

Guddiga doorashada Baarlamaanka, oo maanta bilaabaya diiwaan-galinta musharixiiinta guddoonka Baarlamaanka.

beyleGuddiga doorashada baarlamaanka, ayaa lagu wadaa in ay maanta bilaabaan diiwaan-galinta musharixiiinta guddoonka baarlamaanka, kaddib markii maalintii shalay gudiga ay shaaciyeen in 11-12 bishan Janaayo la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Guddoomiyaha gudiga doorashada C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in ay maanta bilaabayaan diiwaan gelinta dadka doonaya inay xilalkaasi qabtaan.

C/raxmaan Beylle ayaa sheegay in maanta oo tallaado ah  xarunta golaha shacabka in ay ka bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta guddoonka , ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

C/raxmaan Ducaale, ayaa sidoo kale sheegay in maalinta Khamiista ee soo socoto oo bisha Janaayo ku beegan tahay 5, ay ku eg tahay diiwaan gelinta musharixiinta guddoonka baarlamaanka.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay waqtiga loo qorsheeyay doorashada in ay ku dhacdo oo uusan imaan wax dib u dhac ah.

Ugu danbeyntii, guddigan doorashada baarlamaanka ayaa shaqadooda ku eg tahay doorashada guddoonka baarlamaanka, iyadoo wixii xiligaa ka danbeeya la magacaabayo gudiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: