Advertisements

Switzerland oo Bog Cusub u furmtay dhigashada Lacagaha Sirta ah ee Bankiyadooda.

PRIVATBANK, LOGO, FAHNE, SCHWEIZERFAHNELaga billaabo 1da Jennaayo 2017 Bankiyada dalkan Switzerland waxay billaabayaan uruurinta xogta macaamiishooda, taasoo in muddo ah ay codsanayeen qaar ka mid ah Wadamada Caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka.

2017 ayaa loo ballansanaa  inuu hirgalo heshiiska Wadamada Yurub  iyo Switzerland, ha yeeshee Is-dhaafsiga Xogta Teknoloojiyada degdegga ah waxay billabmi doontaa sanadka 2018ka.

Arrinta ayaa timid kadib markii Swiss-ku ay kala kulantay Mareykanka iyo Yurub hadadaad la xiriirta Cunaqabateyn dhaqaale, sidaas awgeed bishii Maajo 2016ka Baarlamaanka Switzerland wuxuu go’aan ku gaaray in bankiyadooda ay uruuriyaan Xog kasta ee la xiriira Maacaamiishooda Ajaanibka ah.

Si kasta ha ahaatee tani waxay soo afjareysaa doodihii dheeraa ee u dhexeeyey Midowga Yurub iyo Switzerland.

SomaliSwiss     Zürich

Tarjume Dr. A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: