Advertisements

Labo qarax waaweyn oo Maanta barqanimadii ka dhacay naxaawiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

qarax-jpg20Waxaa Maanta barqanimadii ka dhacay naxaawiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho labo qarax oo waaweyn.

qarax-jpg18Qaraxyada oo ahaa kuwa loo adeegsaday gadiid walxaha qaraxa lagu soo raray ayaa kan hore lagu weeraray barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM ee ka howlgala ilaalinta howlaha  garoonka diyaaradaha.

Qaraxa labaad ayaa lagu weeraray wadada u dhaxeysa garoonka diyaaradaha dhinaca albaabada  Madiino Gate iyo hotelka Peace, kaasoo loo maleynayo in uu bartilmaameedkiisu ahaa hotelka oo ah halkii lagu qabtay sanadkii hore shir madaxeedkii urur gobolleedka IGAD.

Hotelka Peace ayaa ka mid ah hoteellada ugu caansan magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin qaar ka mid ah  diblumaasiyiinta shisheeye iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana ka mid ah xubnaha degan hotelkan gudiyada doorashada.

qarax-jpg19Markii uu qaraxa dhacay kadib waxaa mar kaliya la maqlay rasaas jiho kala duwan ka dhaceysa, taasoo qal qal iyo cabsi ku abuurtay dadkii ku sugnaa gudaha garoonka diyaaraha oo qaarkood u qaatay in dabley hubeysan soo galeen.

Ilaa iyo hadda faah faahin dheeraad ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarada, hasse ahaatee waxaa la rumeysan yahay in ay jiraan khasaare dhismasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay weeraradan.

Ciidamada AMISOM ayaa la rumeysan yahay in sidoo kale wax yeelo ka so gaareen qaraxyadan oo ahaa kuwii ugu cuslaa ee waayadan soo mara caasimada.

Ugu danbeyntii, goobta ay qaraxyada ka dhaceen waxaa gaaray  saraakiil iyo cidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo AMISOM.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: