Advertisements

Guddiga doorashada Baarlamaanka Cusub oo ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka.

baarlamaanka-jpg12Guddiga doorashada maalintii shalay looga dhawaaqay fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanyo doorashada gudoomiyaha baarlmaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in 11-ka ilaa 12-ka Bishan January, oo gudiga ay sheegeen in uu noqonayo waqtiga ay dhici doonaan doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Gudiga ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socto qaban qaabada  doorashada guddoonka baarlamaanka golaha shacabka,.

Ugu danbeyntii, doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya haddii ay dhacdo ayaa waxaa lagu wadaa in la diyaarin doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taasoo la rajaynayo in la qabto inta aysan dhamaan bishan Janaayo 2017.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: