Advertisements

Dowladda Switzerland oo dooneyso inay u fududeyso qaadashada Basaboorka Jiilka Saddexaad ee dadka Muhaajiriinta ah, Balse!!!!!!!.

 

PASS, SCHWEIZER PASS, BIOMETRISCHER PASS, DOKUMENT, REISEDOKUMENT, AUSWEIS,Dadka Ajaanibka ah ee ku dhaqan dalkan Switzerland ee doonaya ama rajeynaya inay qaataan Basaboorka Wadanka Switzerland ayaa la sheegay inay ku qasbanaan doonaan inay ka soo saaraan jeebkooda Kumanaan Faranka Swiss ah, si ay u helaan Baasaboorka Casaanka ah.

Balse Dowladda Switzerland waxay dooneyso inay u fududeyso qaadashada Basaboorka dhallinyarada Jiilka Saddexaad ee dadka Muhaajiriinta ah.

Axsaabta Midigta ah, waxay doonayaan inay sii adkeeyaan qaadashada Baasaboorka Swiss-ka, dhanka kale Axsaabta Bidixda, waxay rabaan in la fududeryo iyadoo la fulinaayo shuruucda Swisska, dibna loo eegayo xaaladaha dadka soo gelootiga ah.

Warar kala duwan oo is Khilaafsan ayaa ka soo yeeraya Xisbiyada labada garab ee Wadanka Switzerland, balse waxaa arrintan la horgeyn doonaa Bulshada Swisska 12ka bisha febbraayo 2017, si ay codkooda uga dhiibtaan sida laga yeeli lahaa arrinta qaadashada Baasaboorka Switzerland.

Si kasta ha ahaatee haddii dadweynaha ay  isku raacaan qodobbada fududeeynaya qaadashada Basanoorka,waxaa ka faa’ideysan doono ilaa 25.000kun qof oo dhallinyaro u badan oo Codsigooda si sahlan loo aqbali doonaa.

Haddaba Bahda SomaliSwiss Media waxay Soomaalida haysata dhalashada Swisska kula talinaysaa inay dhiibtaan Codkooda, Hadba meesha maslaxaddooda ku jirto.

SomaliSwiss     Zürich

Tarjume Dr. A. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: