Advertisements

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay xabad joojintii ka dhaqan gesha Geyyiga dalka Suuriya.

unoGolaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay xabad joojintii ay ka soo shaqeeyeen dowladaha Ruushka iyo Turkiga ee laga dhaqan galiyay Suuriya.

Waxaa sidoo kale ay taageereen golaha in la sii wado geedi socodka siyaasadeed iyo wadahadalada mucaaradka iyo dowlada Suuriya.

Waxaa la qorsheeyey in wadahadalada la bilaabo bisha January ee sanadkan cusub ee 2017-ka.

Sidoo kale golaha amaanka waxay qorsheeyeen in la saaro korjoogayaal ilaaliya xabad joojinta hadda la gaaray.

Colaada dalka Suuriya oo mudo sanado ah soo jiitamaysay ayaa hada u muuqata in ugu yaraan la dhameeyey dagaalkii Xalab ka socday.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa wada dhexdhexaadin iyo jawi cusub oo la isugu keenayo mucaaradka iyo dowladda.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: