Advertisements

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Ilaaliya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo Saaka Barqadnimadii toogasho lagu dilay.

villa somaliaWar goor dhoweyd inoo soo diray Weriyaha SomaliSwiss Media ee magaalada Muqdisho ayaa sheegayaa in Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw nawaaxiga Villa Soomaaliya ku toogtay taliye ku-xigeenkii ilaalada madaxtooyada oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Qoorgaab.

Sidoo kale waxaa toogashada sarkaalka ku dhaawacmay askar kale oo ka tirsanaa ciidamada sida ay warbaahinta u sheegeen dad ka agdhawaa halka falka dilka ah uu ka dhacay. Ciidamada nabad-galyada ayaa markiiba gacanta ku dhigay askariga toogashada geystay oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu u dilay sarkaalka.

Wali ma jiro wax war ah oo ay arintan ka soo saareen laamaha amniga dowladda, gaar ahaan madaxtooyada Soomaaliya oo uu ka tirsanaa.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: