Advertisements

Munaasabad la xiriirta Is-dhexgalka (Integration) iyo wada noolaanshaha Bulshooyinka oo shalay lagu qabtay magaalada Olten ee Kanton Solothurn ee Switzerland.

img_0774Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Solothurn ayaa waxay xoogga saareen sidii ay dadka Soomaalida ee u soo qaxday dalkan Switzerland, gaar ahaan kuwa ku nool Gobolkan Solothurn sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda la xiriira Xagga Is-dhexgalka ( Integration ), kaas oo ka caawinaya sidii ay u dhex-geli lahaayeen dadka ay ula noolaan lahaayeen bulshada ay ugu yimaadeen magaalooyinka ay deggan yihiin. HOOS KA DAAWO  SAWIRO KALE.

img_0717Furitaankii Munaasabadda Is-dhexgalka ayaa waxaa hadallo gaaban ka jeediyey Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Jaaliyadda Mudane C/raxmaan Maxamed (Gaaljecelow) wuxuu sheegay inuu dadaal ugu sidii isugu xiri lahaa Soomaali ku nool magaalooyinka Olten iyo Solothurn iyo bulshada Swisska iyo guud ahaan Jaaliyadaha kale.

img_0735Madaxa Jaaliyadda Kanton Solothurn Mudane C/raxmaan ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay sidii Soomaalidu u heli lahayd Bar ay ay ku kulmaan, islamarkaasna sidii Caruurta Somaalida loo bari lahaa Afkooda Hooye iyo Dhaqanka Suuban ee ay soomaalidu leedahay.

Sidoo kale Mudane C/raxmaan wuxuu Warbaahinta SomaliSwiss Media u sheegay in Waalidiinta Soomaalida ay diyaar u yihiin sidii Jaaliyadda uga gacansiin lahaayeed Jaaliyadda waxqabadkooda.

Dhanka kale Mas’uuliyiinta degmada Olten (Stadt Olten) oo munaasabaddaas ka hadleen ayaa waxay Soomaalida u ballan qaadeen inay ka gacansiin doonaan dadaalkooda.

img_0808Si kastaba ha ahaatee waxaa munaasabaddaas lagu marti-qaaday qaar ka mid ah Jaaliyadaha Kantoonada kale ee dalka Switzerland, waxaana ka mid ahaa Jaaliyadda Kanton Zürich oo ka socday Guddoomiye Ku-xigeenka Jaaliyadda Mudane Dr. Axmed Dhicisow.

Ugu danbeyntii goobta lagu qabty munaasabadda Is-dhexgalka ayaa waxay Soomaalida ku soo bandhigeen Cunto-dhaqameydka Soomaalida, sidaas darteed dadkii ka soo qayb Barnaamijka is-dhexgalka ay si wadajir ah ugu wada qadeeyeen, waxaana Xafladda Munaasabaddaas ku dhammaatay farxad iyo Reynreyn.

img_0676img_0680img_0809IMG_0725.JPGimg_0810SomaliSwiss         Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: