Advertisements

Kalfadhigii labaad ee Xildhibaannnada Baarlamaanka 10aad ee Soomaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

baarlamaanka-cusubKulankii labaad kalfadhigii koowaad ee xildhibaannnada baarlamaanka 10aad ee Soomaliya maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa go’aan looga gaaray sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka guddoonka gollaha shacabka iyo madaxweynaha.  

Xildhibaannada ayaa dood dheer kadib isku raacay in musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya laga qaado lacag dhan $ 15,000 oo doolar, halka musharixiinta u tartamaya ku-xigeenka guddoonka baarlamaanka laga doonayo in ay bixiyaan $10, 000 doolar.

Sidoo kale baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in musharixiinta madaxweynaha laga qaado $ 30,000 oo doolar,  qodobkan oo ka mid ahaa go’aamadii horey loogu gaaray shirkii ugu danbeeyay ee masha-wada tashiga ayaa waxaa muuqata in xildhibaannada sidiisa u daayeen.

Ha yeeshee Xildhibaannada baarlamaanka waxay ayaa isku raacay in musharaxa madaxweynaha siddoo kale  laga doonayo saxiixa 20 xildhibaan,  waxaana halkii xildhibaan loo ogol yahay in uu saxiixiisa siin karo ilaa saddex musharax.

Ugu danbeyntii, xildhibaannada ayaa fadhiga maalinta berri ah lagu wadaa in ay ku magacaabaan guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka oo aan maanta waqti loo helin.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: