Advertisements

Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed oo sheegay inuu rajeynaayo in sanadkan ka noqdo dalka Madaxweyne.

shariif xasan.png1Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo wareysi siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in wali uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyay soo baxay ayaa sheegayay in Shariif Xassan dowlad Itoobiya ka ku qancisay in uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, hasse ahaatee isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayuu sheegay in uu wali u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

‘’Maamulka Koonfur galbeed, Baarlamaanka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada K/galbeed ayaa kala tashtay arintan, dhamaantoodna waxey igu dhiiri-galiyeen in aan u tartamo xilkan, sidaa daraadeed musharax ayaan ahay waxaana rajeynayaa in aan sanadkan dalka madaxweyne ka noqdo‘’ ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

 Mar wax laga weydiiyay ujeedada socdaalkiisa magaalada Addis Ababa xiligan ayuu sheegay in uu ka yimid dalka Boqortooyada Saudi Arabia, sidaa daraadeed uu hakad ku yahay magaalada Addis Ababa isaga oo intaa ku daray in uu uga sii gudbi doono magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa marar badan oo hore isaga dabalaabtay magaalada Addis Ababa oo ay kulamo kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaas, waxaana la leeyahay socdaal hogaamiyayaasha Soomaalida waa mid qeyb ka ah olalaha doorasho.

SomaliSwiss       Adis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: