Advertisements

Guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran oo kulan lagu dardar galinayo howlaha gargaarka ku yeeshay Muqdisho.

abaabarahaGuddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran ayaa kulan lagu dardar galinayo howlaha gargaarka ay u baahan yihiin dadka ay abaarta saameysan la yeeshay hay’addaha deeq bixiyayaasha ee QM .

RW ku-xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo ah gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran, ayaa ayaa sheegay, in kulankan muhiim u yahay qorshaha la doonayo in lagu gargaaro dadka ay abaarta ku dhufatay.

 Waxaa uu sheegay, hay’adda caalamkga ah oo ay ugu horeeyaan kuwa UNka looga baahan yahay, in ay doorkooda ka qaataan wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira, isaga oo ugu danbeyntii sheegay in shirarkan guddiga uu la yeelanayo bulshada iyo hay’adaha caalamiga ah sii socon doono inta laga helayo qorshe wax looga qabanayo abaarta.

 Ugu danbeyntii, guddiga ayaa tan iyo markii la magacaabay ku howlahaa shirar kala duwan oo looga hadlayo xaalada abaarta, xili dhibaato xoog leh oo dhinac nolasha ay soo food saartay qoysas Soomaaliyeed oo u badan xoolo dhaqato.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: