Advertisements

Muxaaradii Silsiladda ahayd ee ka socotay Masjidka Sheikh Zaa’id ee Magaalada Zürich oo Xalay la soo gabagabeeyey.

img_2073Waxaa shalay galab oo Isniinta ahayd taariikhduna ku beegneyd 26.12.2016, Masjidka Sheikh Za’id aee Magaalada Zürich ka dhacay Muxaadarooyin Diini ah oo taabanaysay, islamarkaasna waxtar u leh dadka Soomaalida ah.

img_2102Waxaa Muxaadarooyinkaas loogu hadlayey Mowduucyo kala duwan Sida: Guuldarrada, Liibaanta aduun iyo Aakhiro, Xagjirnimada Diinta iyo Daaweynta, Qurbaha iyo Qurba-joogta,  dembiyada ay keeni karto Isha qofka iyo Dacwada Islaamka, waxaana Muxaadaradaas bixinayey Sheikh Cismaan Cali Faarax iyo Sheikh Mustafa oo labada ka wada yimaaday magaalada London ee dalka Britain.

img_2095Hase ahaatee Muxaadarooyinkii Shalay laga bixiyey kulanka ayaa waxay ahaayeen kuwo si gaar ah u taabatay  dadkii Soomaali ahaa ee ka soo qayb galay Mu’tarmarkan oo si aad u buux-dhaafiyey Masjidka.

Dadkii badan ee kaqayb galay ayaa waxay ka kala yimaaday guud ahaan Gobollada Wadanka Switzerland, gaar ahaan Gobolkan Zürich ayaa la sheegay inay ahayd kulankii ugu soo qayb badnaa abid.

img_2083Sidoo kale Culumadii Mùtamarkan Duruusta ka bixisay ayaa waxay ahaayeen Culumo khibrad u leh habka loo gaarsiiyo Diinta iyo ka dhaadhicinta mowduucyada Diiniga ah Culumadan ayaa waxay ku sifoobeen kuwo u heellan inay Ummadda gaarsiiyaan Diinta Islaamka.

Dhanka kale Culumadan Mùtamarka Duruusta ka bixisay ayaa waxay dhammaantood ka mideysnaayeen oo boogaadiyaan Soomaalida inay u midoobaan danahooda, sidoo kale inay baraan Caruurtooda Afka Soomaali, haddii arrimahaas aan lagu dhaqan gelin waxaa dhaci doonta DHAQA-GUUR.

img_2087Ugu danbeyntii waxaa Kulankii shalay ee kheyrka badanaa ee ka dhacay Masjidka Sheikh Za’id ku dhamaatay si wanaagsan, halkaas oo laga soo jeediyey ducooyin loo ducaynayo guud ahaan Muslamiint,  gaar ahaan Soomaalida meelkasta oo ay joogaan.

img_2101img_2103img_2082img_2080SomaliSwiss      Zürich

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: