Advertisements

Madasha oo go’aan kama danbeys ah ka gaartay kuraasta doorashadooda dib loogu noqonayo.

shirka-madasha-wadatashigaMadasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 25 – 26 Disembar 2016-ka. Kulankan wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, taarikhdu markay ahayd 15kii-24dii Disember, 2016.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee Golaha Sharci dejinta Qaranka ee 2016ka.

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran (MHQ) •Ka dib markii ay dhageysatay warbixinta iyo tallooyinka Guddiga Xainta Khilaafaadka kullankoodii 26 December -2016• Ka baaraandegtay nuxurka iyo duruufaha heeraariyey doorashada kuraasta muranka galey oo Fiiro-gaar ah u yeelatay macluumaadka dheeriga ah ee laga helay xog-isweydaarsiga MHQ iyo GXKHDD.

Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay a. In 5ta kursi ee hoos ku qoran dib loogu celiyo doorasho, laguna qabto mid walba degaaan-doorashadii horey loogu soodoortay, kuwaasi oo kala ah:

1) DRD/0010/PL Ugaar Saleebaan

2) HW/0055/GM Murusade

3) HW/0094/JL Gaaljecel

4) DM/0156/KG Macallin Wayne

5) HW/0208/HSH Jidle

b. Taariikhda dib-u-doorashada kuraastaas iyo abaabulka doorashooyinka waxaa loo xilsaaray guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer Dawlado Goboleed;

c. 7da kursi ee kale oo ka mid ahaa 11kii kursi ee horay uu u hakiyey GXKHDD waa la fasaxay, Waxaana la farayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Fderaal inay xildhibaanada kuraastan ku guuleystay ay siiyaan shahaadadooda xildhibaannimo.

d. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli dhiman ee mid walba hor yaal.

Sidoo kale war qoraal ah oo xalay ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, ayaa lagu amray guddiga doorashada heer federaal in ay dib ugu laabtaan dib u soo doorashada kuraasta shan xildhibaan oo afar ka mid ah ahaayeen 11kii xildhibaan oo horay ay u laaleen guddiga madaxabanaan ee xalinta khlaafaadka, halka todobadii kale ee xildhibaan ee horay loo diiday doorashadooda la fasaxay.

Shanta kursi ee dib doorashadooda loogu laabanayo ayaa waxaa ka mid ah hal xubin oo aan markii hore ka mid aheyn liiska xildhibaannadii ay laaleen gudiga doorashada kaa oo laga soo doortay magaalada Cadaado ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug.

Hadaba hoos ka akhriso magacyada xildhibaannada dib loogu laabanayo doorashadooda :

1- Cabdi Maxamuud Maxamed Puntland Ugaar Saleebaan

2- Cabdullaahi Maxamed Aadan Jubbaland  Beesha Gaaljecel

3- Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed Koofur Galbeed  Digil Macalin weyne

4- Maxamed C/llaahi Xasan Nuux Hirshabelle Qabiilka Jidle

5- C/qaadir Maxamuud Gaafow Galmudug Murarsade

Dhamaan xildhibaanadii kale ayaa lagu amaray guddiga doorashada in ay siiyaan shahaadooda aqoonsiga,  kaddib markii la ogaaday in lagu soo doortay hab waafaqsan sharciga doorashada.

SomaliSwiss       Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: