Advertisements

Dhaartii xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka cusub oo la soo gabagabeeyay lana doortay guddoon ku-meel-gaar ah.

xildhibaanada-cusub-png1Waxaa Maanta Xaruunta Tababarka Booliska  lagu soo gabagabeeyay dhaarta xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka cusub, waxaana goor dhaw xildhibaannada ay iska dhax doorteen guddoon ku-meel-gaar ah.

boqore-png1Golaha shacabka ayaa gudoomiye  ku –meel-gaar ah waxaa loo doortay Cismaan Cilmi Boqoro oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn xildhbaannada aqalka hoose, halka guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah xubnaha aqalka sare loo doortay Max’ed Xusseen Raage.

Prof Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka aya halkaa kaga dhawaaqay in wixii xiligan ka danbeeyay labada guddoomiye ku-meel-gaar ee la doortay shir guddoomin doonaan baarlamaanka labada aqal inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Jawaari ayaa ka dalbaday xildhibannada in laga cafiyo haddii ay jireen wax qaladaad ah oo ka dhacay mudadii uu soo hayay xilka guddoonka baarlamaanka

SomaliSwiss       Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: