Advertisements

Majidka Sheikh Zaa’id ee magaalada Zürich oo Xalay lagu soo gabtay Muxaadaradii Silsilad ah oo Socon doonto dhowr maalmood.

img_2049Waxaa maalantii Jimca iyo Sabtidii ahayd Masaajiyada Turkiga iyo Majidka Zaa’id ee ku yaala magaalada Zürich oo  si rasmi ah Uga billaabmay Majidka Zaa’id ee ku yaala magaalada Zürich Muxaadarooyin oo Silsilad ah, socon doona dhowr maalmood.

img_2050Galabnimadii maalintii Jumcaha ahayh ayaa masjidka Turkiga lagu qabtay Muxaadaro Cinwaakeeda ahayd Talooyinka Nabigeennu SCWS oo inoo dhaafay ee uu jeedinayey Sheikh Yuusuf  oo ka yimid dalka Sweden, Talooyinkaas oo Saddex Saddex u socada, kuwaas oo ka mid ahaa:

 img_20591 – Saddax qof oo Ixtiraam mudan:

  • a- Dadka da’da ah
  • b- Maclinkaaga
  • c- Waalidkaaga

2 – Saddax ka adkaaw:

  • a- Dhirifka ama xanaaqa
  • b- Naftaada ka adkaaw
  • c- Lisaankaaga ama Carabkaada

 

3 – In qofkasta la ymaido Sifo:

  • a- Camal Suuban
  • b- Iimaan qabid
  • c- Daacadnimo

4 – Saddex iska dul-qaad:

  • a- Laqdabo
  • b- Deyn lagu lahaado
  • c- Kibirka

5 – Saddax shey ka dhowrtoonaaw:

  • a- Denbi gelidda
  • b- Xanta
  • c- Maseyrka

6 – Saddey shey Xasuuso:

  • a- Waano lagu siiyey
  • b- Abaal lagu taray
  • c- Geerida

7 – Saddex Doondoon ama raadi:

  • a- Aadaabta Wanaag
  • b- Cilmiga iyo Aqoonta
  • c- In aad ka baqdo Allaah

8 – Saddex oo nadaafadda ah ku dadaal

  • a- Nadiifi Korkaada ama Jirkaaga
  • b- Nadiifi Dharkaaga
  • c- Ka fikir Fekirkaada

img_2053Sidoo kale waxaa Xalay Masjidka Zaa’id lagu qabtay Muxaadaradii qaybtii Saddexaad, Kaas oo ay ka soo qayb geleen Soomaalida ku nool Kantoon Zürich, waxana Muxaadaradii Silsilada ahayd ee loogu talagalay Kulan Sanadeedka ka soo jeedinayey Sheikh Yuusuf Axmed oo ka yimid dalka Sweden oo marti u ahaa Culamaada labada Masjid ee aan kor ku soo sheegnay iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kanton Zürich, ayna ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Gobollada dalkan Switzerland.

Sheikh Yuusuf Axmed ayaa si faahfaahsan uga Hadlay dhinacyo kala duwan ee Muxaadarooyinkii Silsilada ahayd; Hase ahaatee Sheikh Yuuf wuxuu si gaar ah diirada u saaray Arrimaha la xiriira , hababka Sheydaanku dadka u lumiyo, Akhlaaqda qofka Muslimka ah iyo Qoyska Muslimka ah iyo Qurbaha,  wuxuuna talooyin siiyey dadkii halkaas isugu yimid oo rag iyo Haween leh.

img_2065Dhanka kale iyadoo Socota Howshii Muxaadarada  ayaa waxaa goobtaas yimid oo nagu soo booqday ninka degmada Zurich uga Mas’uulka ah Amniga Herr Ricard Wolf oo ay la socdeen Maamulka Masjidka Sheikh Zaa’id iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Jaaliyadda Soomaalida ee Kanton Zürich Dr. Axmed Dhicisow.

Mudane Herr Ricard Wolf wuxuu Muslamiinta ku dhaqan Kanton Zürich, gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dhibkii ama dhaawacii soo gaaray sadexdii qof oo walaalaheen ahaa.

img_2057Ugu danbeyntii waxaa kulankaas hadal kooban oo mahadcelin ah ka jeediyey Dr. Dhicisow, una sheegay in Jaaliyadda ay diyaar u tahay wadashaqeynta labada dhic si loogu hor tago Amni-xumada.

Gebagebidii Munaasabadda kulankaas waxaa halkaas lagu la keenay Casho kulul oo loogu talagalay ka soo qayb galay.

img_2068SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: