Advertisements

Hogaamiyayaasha madasha wadatashiga Qaran oo go’aan rasmi ah ka gaaray xubnihii khilaafaadka ka taagnaa.

shirka-madasha-wadatashigaHogaamiyayaasha madasha wadatashiga Qaran ee shirka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aan rasmi ah ka gaaray xubnihii ee guddigaxalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban horey u laaleen doorashadooda.

War Murtiyeed shirka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in hogaamiyasaha madasha wadatadhiga ay ogoladaeen in lagu laabto doorasahooda 11-kursi oo kamid ahaa xildhibaannada aqalka hoose kuwaa oo horey guddiga khilaafaadka u soo celiyeen.

” MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda ay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dheer isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.

Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.” Ayuu lagu yiri War-Murtiyeed soo saareen hogaamiyaasha Madasha.

Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa sidoo kale isku raacay in la fasaxo ayna doorashooyinka ka qeyb galaan Xubno horey looga reebay in ay u tartamaan doorashada aqalka hoose ay ku jiraan Wasiirka Dhalinyrada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirka Batrooka Soomaaliya.

”In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Madasha.

Ugu danbeyntii, shirkii hogaamiyayaasha  Madasha Wadatashiga Qaran oo maalmo badan qaatay ayaa qodobo adag ee la isku mari waayay waxaa ka mid ahaa sida laga yeelayo 11-Kursi ay doorashooda soo celiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka kuwaa oo hada la isku raacay in dib loogu noqdo doorashadooda.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: