Advertisements

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka horimaaday go’aankii xalay kasoo baxay madaxda madasha wadatashiga.

g-banaadirGudoomiyaha ayaa sheegay ineysan aqbaleyn natiijada kasoo baxday madaxda madashada wadatashiga, wuxuuna sheegay in gobolka Banaadir uusan helin xaqii uu lahaa.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, gudoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay in gobolka Banaadir uu maqan yahay xaqii uu lahaa.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in maamul goboleedyada dalka loogu daray min seddex xildhibaan, balse gobolka Banaadir uusan helin wax xildhibaan ah.

Madasha Wadatashiga Qarana, ayaa xalay go’aan ku gaartay in la kordhiyo tirada Aqalka Sare ee dalka oo ka koobneyd markii hore 54, balse madasha ay ku dartay 18 Xubnood.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: