Advertisements

Xiriiriyaha dawlada Kenya ee gobolka xeebta ah oo sheegay in ciidamda Kenya ay adkeyn doonaan ammaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

kenyan-army-jpg2Xiriiriyaha hawlaha dawlada Kenya ee gobolka xeebta ee Kenya Nelson Marwa ayaa sheegay in ciidamda ammaanka Kenya sida KDF ay sii wadi doonaan adkeynta ammaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya si ciidamada Al-Shabaab aysan uga soo tillaabin. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE:

kenyan-armyJen. Nelson Marwa in KDF ay aad u ilaalinayaan kenyta Boni si Al-Shabaab aysan halkaa ugu dhuumaaleysan.

Xiriiriyaha wuxuu intaa ku daray in ammaanka laamiga isku xira Mombasa iyo caasimada Nairobi asna la adkeynayo sharuucda taraafikadana la dhowrayo si shilalka loo baajiyo waqtiga ciida masiixiyiinta iyo dabbaal dagga sanadka cusub. 

060807-F-9074R-034Dalxiiseyaal maxaliyiin ah iyo kuwo kakala imaanaya daafaha caalamka ayaa la filayaa inay usoo tamashle tagaan xeebta Kenya waqtigaan oo ay soo dhow yihiin ciida masiixiyiinta iyo dabbaal dagga sanadka cusub. Nelson Marwa ayaa sheegay in ammaanka la adkeynayo si loo xaqiijiyo ammaanka ajaanibta soo booqanaya Kenya.

Meelaha dalxiiseyaashu isugu imaanayaan ayuu sheegay in la keeni doono boolis ku filan oo darees xiran qaarkood qaarna dhar caadi ah si ammaanka loo dhowro.

kenyan-army-jpg3“Waxaanu ka fogaaneynaa inaan dab damino baddalkii arinkaana waxaanu ka hortageynaa in dabi kaco. Waqtigaan waxaanu samaynay diyaar garow ammaan oo Kenyanku aysan horay u arag”. Sidaa ayuu yiri Nelson Marwa.

Degmooyinka Mombasa, Tana River, Lamu, Taita-Taveta, Diani iyo Kwale ayuu iyana sheegay in ammaankooda la adkeynaayo guud ahaan.

SomaliSwiss     Nairobi

Somali@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: