Advertisements

Tuulada Bariire ee gobolka Sh/hoose oo Al-shabaab ku soo bandhigtay qaar ka mid ah ergadii doorashooyinka oo nolol ku qabteen……

 

al-shabaab-jpg4Xarrakada Al-shabaab ayaa ku soo bandhigtay Tuulada Bariire ee gobolka Sh/hoose odayaal la sheegay in ay ka tirsanaayeen ergadii xildhibaannada aqalka hoose ku soo doortay Galmudug.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in odayaashan oo tiradooda gaareyso 7 oday dhaqameed magaalada Cadaado uga qeybgaleen doorashadii xildhibaannada.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in odayaashan ahaayeen kuwo iskood isku soo dhiibay oo qirtay in ay qaldeem, iyaga oo cafis soo weydiistay sida ay hadalka u dhigeen xarrakada.

Ugu danbeyntii, qaar ka mid ah odayaashan oo codadkooda la baahiyay ayaa sheegay in aysan mar danbe u noqon doonin qaladaadkan oo kale sidda ay hadalka u dhigeen.

Dhacdan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay Al-shabaab soo bandhigaan shaqsiyaad ay ku tilmaameen in ay ka mid ahaayeen ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka.

SomaliSwiss     Afgooye

Somali@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: