Advertisements

Xeebta magaalada Boosaaso oo ku degtay Dooni ay u rarneyd Ganacsato Soomaali ah.

Doon.jpg2Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in  xeebta magaaladaas ay ku degtay Dooni siday Xamuul ama shixnad kala duwan oo rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Doontan oo la sheegay inay ka timid dalka Imaaraadka, waxaana la sheegay in ay ku qalibantay meel u jirtay dekedda Bosaaso ilaa 14 Ml.

Sidoo kale  waxaa lagu soo warramayaa in Kuluumeysato goobtaas ku sugnaa ay sheegeen inay ka soo badbaadiyeen ilaa 7 qof oo ka mid ahaa dadkii la socday doontaas, hasse ahaatee waxaa la la’yahay shan ruux oo  ilaa iyo hadda aan la ogeyn halka ay ku danbeeyaan.

Dhanka kale waxaa weli soconaya baadi-goob xoog leh oo ay wadaan ciidamada badda Puntland oo airntan si weyn uga howlan.

Balse Saraakiisha dowlad Gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in dableylo xoogan oo dhacayay u sabab noqdeen in Doontan ay qalibanto

SomaliSWiss     Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: