Advertisements

Shirkii madasha wadatashiga oo weli dood dheer ka socoto.

madasha-qaran-somalia-jpg5Shirkii madasha wadatashiga ee tan iyo Jimcihii la soo dhaafay  magaalada Muqdisho uga socda madaxda Qaranka iyo hogaamiyayasha dowlad gobolleedyada dalka ka jira ayaa  waxaa ka soo baxaya warar horudhac ah .

Qof ku sugan Xarunta Madaxtooyada oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in dood mudo dheer soo soctay kadib hogaamiyayaasha madasha isku raacday in la qaadaco go’aankii gudiga madaxabanaan ee doorashooyinka ku laaleen 11 kursi oo ka mid ahaa xildhibaannadii lagu soo doortay xarumaha dowlad gobolleedyada dalka, kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku soo baxeen sifo aan sharciga waafaqsaneyn. 

Arrimahaas oo wali leysku hayo ee aan go’aanka laga gaarin ayaa waxaa ka mid ah sida laga yeeli lahaa  doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi,  gaar ahaan xildhibaannada ka imanaya gobolada Sool iyo Sanaag.

Siddoo kale, hogaamiyayaasha ayaa dood adag ka leh waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha, kaddib markii lagu fashilmay xiligii horey loogu asteeyay  doorashada. 

Madasha ayaa la filayaa in ilaa maalinta beri ah soo saaraan go’aan kama danbeys ah  oo la xiriira go’aankii guddiga madaxabanaan ee xalinta khilaafaadka ee lagu laalay 11 kursi iyo waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanayo doorashada oo warar hor dhac ah sheegayaan in la gaarsiin doono ilaa 22ka bisha Janaayo ee sanadka 2017-da.

SomaliSWiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: