Advertisements

Safiiradda Soomaaliya uga Wakiilka dalkan Switzerland oo Socdaal ku timid Zürich, Booqatayna Soomaalidii lagu dhaawacay Weerarkii Masjidka.

PICT1308

Waxaa Maqrabnimadii Caawa magaalada Zürich  ee dalkan Switzerland booqasho ku Timid Safiiradda Soomaaliya uga Wakiilka dalkan Switzerland ee fadhigeedu yahay madaalada Geneve Marwo Faadumo Cabdullaahi Insaniya.

Safiiradda oo la soo xariirtay  Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliya ee Kanton Zürich Marwa Xaawa Nuur Muudey oo haatan ku sugan magaalada London ee Waddanka UK, kadibna anigoo ah Ku-geenka Gud. Jaaliyadda Zürich Dr. Axmed  Dhicisow ila soo xiriirtay Safiiradda, ha yeeshee Safiiradda waxay khadka Teleefonka igu weydiisay Xaaladdii Walaalihii ku Dhaacwamay weerarkii gardarrada ahaa.

Sidaas darteed Safiiradda waxaan warbixin kooban ka siiyey Xaaladda Walaalaha Soomaaliyeed ee dhaacawooda yaala Isbitaalada Zürich.

Marwo Faaduma Cabdullaahi waxay ujeedada Socdaalkeedu la xiriiray inay booqasho ugu tagto Saddaxdii qof ee Soomaalida ahaa ee  lagu dhaawacay Weerarkii dhacay Habeenkii talaadada ahayd.

Haddaba waxaa caddaan ah, in Safiraddu ay muujisay sida ay uga go’aan tahay inay fuliso howshii loo soo  igmaday ama loo soo xilsaaray, si ay u ogaato Xaaladda Walaalaha lagu gardarrooday.

Si kastaba,  tani waa markii ugu horreysay oo la arkay in Mas’uul Soomaali ka Wakiil ah oo sidaan si la mid ah u soo booqdo dadka Soomaalida ku dhibeysan Waddan Swiss-ka, waana waajibaad Qaran oo qofkastoo Soomaali Waddani ah laga doonayo ama Saaran.

SomaliSwiss        Zürich

Waax soo tebiyey Dr. Dhicisow

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: