Advertisements

Madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud oo maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyada Soomaaliya R/wasaare ku-xigeenka dalka Jordan.

somaliya-iyo-jordanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyada Soomalaiya ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Jordan, oo soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday boqorka dalkaas oo lagu magacaabo Cabdalla A-thani Abnu Hussen.

Boqorka ayaa dhambaalka uu u soo dirray adaxweyne Xassan Sheekh u soo wakiishay ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka wasaarrada maalgashiga dalka Jordan oo Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa dhambaalkaasi uu ka guddoomay Dr Jawaad Al-anaani, isaga oo intaa kaddib warbixin ka siiyay sidda boqortooyada Jordan ugu heellan tahay xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Jordan, waxaana uu dhinaca kale amaanay doorashooyinka ka socdalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad celiyey boqorka dalka Jordan dhambaalka uu u soo diray, waxaa uu sheegay in labada dal ay yihiin labo dowladood oo walaalnimo taariikhi ah ay ka dhaxeyso.

Sidoo kale waxaa uu xusay madaxweynuhu in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qeyb-qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale.

Ugu danbeyntiim, madaxweynaha  Soomaaliya, ayaa salaan u diray boqorka Jordan, isla markaana ballan qaaday in  dib loo hagaajin doono xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida ugu dhaqsiyaha badan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: