Advertisements

Madaxweynaha DalkaTurkiya oo shaaciyey in la’isku dayay sidii Ruushka & Turkiga loo dhex-dhigi lahaa Colaad.

afgembi Turkiga.jpg5Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa shaaciyey in la’isku dayay sidii Ruushka & Turkiga loo dhex-dhigi lahaa Colaad, Waxana labada madaxweyne ay caddeeyeen in shirqoolkii lagu dilay safiirki Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara aysan dhaawici doonin xiriirka ka dhaxeeya labada waddan.

Hadal kani ayaa soo baxay kadib markii ay labada madaxweyne qadka telefoonka ku xiriireen, waxa uuna madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan sheegay in labada hogaamiye ay isla garteen in la ballaariyo wada shaqeynta labada wadan, gaar ahaan arrinta dalka Suuriya.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in maalintii shalay oo Talaadada ahayd ayaa wasiirada arrimaha dibada ee Turkiga iyo Ruushka ay si wada jir ah ubaxyo u dul dhigeen sawirka Safiirki hore ee Ruushka u fadhiyey dalka Turkiga Andrei Karlov, kaasoo nin hubeysani uu habeenkii Isniinta ku dilay Magaalada Ankara.

Sidoo kale labada madaxweyne ayaa waxay sheegeen in shirqoolkii lagu dilay safiirki Ruushka u fadhiyey magaalada Ankara aysan dhaawici doonin xiriirka ka dhaxeeya labada waddan.

Si kata ha ahaatee hadal kani ayaa soo baxay kadib markii ay labada madaxweyne qadka telefoonka ku xiriireen, waxa uuna madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan sheegay in labada hogaamiye ay isla garteen in la ballaariyo wada shaqeynta labada wadan, gaar ahaan arrinta dalka Suuriya.

SomaliSwiss     Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: