Advertisements

Magaalada Zürich ee dalka Switzerland oo shalay Maqribkii lagu Rasaaseeyey dad Muslim ah oo Cibaadaysanaya…

israsaaseenGalabnimadii shalay ayaa waxaa  ka dhacday Xarun ay leeyihiin Muslamiinta ku nool magaalada  Zürich ee dalka Switzerland Rasaas  ay ku dhaawacmeen Saddax qaf oo ku cibaadeysanayey goobtaas oo dàdooda lagu sheegay 30, 35 iyo  56Sano-jir.

 Xaruntaan ku taalla bartamaha degmada Zürich, kuna dhow Saldhigga dhexe (hauptbahnhof) ee Tareenada isaga goosha Gobollada dalkan Switzerland iyo qaar ka mid Yurubta Galbeed.

War ka soo baxay Booliska Dowladda hoose ayaa shagay xalay fiidkii  in qofkan geystay Falkan logu dabajoogay.

Balse Goobjooge ku suganaa Goobta lagu Cibaadeysanayey wuxuu sheegay in Saacadda markey ahayd 17:30 uu soo galay goobtaas oo ay joogeen dad kala duwan ee Aaminsan Diinta Islaamka, wuxuuna qofkaas oo aan heybtiisu la garanaynin, kana geystay halkaas inu ku xabadeeyo dadkii goobtaas joogay, ha yeeshee wuxuu dhaawac u geystay Saddax qof oo  dhaawacooda ahaa mid dhexdhaxaad ah.

Ninka falka geytay ayaa la sheegay inuu ka cararay goobta uu dhibka ka dhacay, hase ahaatee Ciidamada Ammaanka oo ku dabajoogay baaritaanka qofkan baxsadka ah ayaa waxaa markaas ka dib la soo sheegay in meel aan ka fogeen Xarunta  lagu cibaadeysanayey laga helay qof oo Meyd ah.

Si kasta arrintu ha dhacdeedee  waxaa weli aan caddeyn ku lug lahaanshaha in qofka meydka ah iyo dhacdada ka dhacday Goobta Ciidada.   

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: