Advertisements

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Midowga Yurub ka codsaday inay caawiyaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

madaxweynaha-kenyaMadaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday Midowga Yurub inuu aad u caawiyo AMISOM.

AMISOM ayaa waxaa kujira ciidamo badan oo laga kala keenay dalal badan oo ku yaala qaaradan Afrika sida Uganda, Kenya, Jabuuti iyo Burundi. Kenya ayaa mar dambe oo ay iskeed u gashay Soomaaliya ku biirtay AMISOM.

Madaxweyne  Uhuru wuxuusheegay shalay Isniintii in argagaxisoda ay ku yiihiin mandaqadaan bariga iyo geeska Afrika iyo caalamka oo dhan dhibaato, waa sida uu hadalkaa u yiriye. “Wax intii hore ka badan ayaa lagu guuleysan karaa hadii ciidamada AMISOM ay noqdaan kuwo ka taag roon sida ay haatan yihiin.

” Uhuru ayaa sidaa sheegay. Uhuru ayaa hadalkaa ka sheegay xarunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee Nairobi shalay mar uu shir caalami ah halkaa ka socday. Kenya ayaa ciidamo badan dawladeedu u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011 markii ay sheegtay in dabley kasoo gudubta Soomaaliya ay Kenya dad ka afduubato.

Intaa wixii ka dambeeyay ayaa ciidamada Kenya ee KDF ay qabteen Kismaayo ayagoo ka riixay Al-Shabaab. Janaayo 2016 ayaa waxaa xarakada Al-Shabaab ay ka qabsatay KDF xero ay joogeen oo kutaal Ceel Cadde, koofurta Soomaaliya. Dhanka kale, tan iyo markii sanadkaa 2011 ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya ayagoo sheegay inay baacsanayaan Al-Shabaab ayaa Kenya waxaa hadba mar soo weeraraysay xarakada Al-Shabaab.

Weeraro badan oo la sheegay in xarakadaasi soo qaaday ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo Kenya ah sida Nairobi, Mombasa, qeybo kale oo ka tirsan gobolka xeebta iyo gobolka waqooyi-bari gaar ahaan magaalooyinka Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa.

 

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: