Advertisements

Safiirka Ruushka ee magaalada Ankara, Andrei Karlov oo Toogasho lagu dilay.

andrei-karlov-jpg1Nin la sheegay inuu hubeysnaa ayaa Toogasho ku dilay Safiirka Ruushka ee magaalada Ankara, Andrei Karlov.

Toogashada Safiirka ayaa dhacday xili uu booqanaayay matxaf sawirro lagu soo bandhigay oo ku yaalla magaalo madaxda Turkiga.

andrei-karlov-jpg4Safiirka oo si darran loogu dhaawacay weerarka, ayaa waxaa loola cararay Isbitaal hayeeshee waxa uu markii ugu danbeysay u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Ninka dilka fuliyay ayaa waxaa la sheegayaa in isna ay toogteen Ciidamada Booliska.

Warbaahinta Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in dhowr qof oo kale lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday Andrei Karlov.

SomaliSwiss      Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: