Advertisements

Madaxweynaha oo Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Yemen ee Soomaaliya.

yemenMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waraaqaaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Yemen u fadhin doono Soomaaliya Fadil Cali Al-Hinkh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Yemen u fadhin doona Soomaaliya, waxa ay iska wareysteen xiriirka labada dal, iyadoo safiirka uu madaxweynaha warbixin ka siiyey xaaladda dalka Yemen oo muddooyinkii dambe ay dagaallo ka socdeen iyo dadka reer Yemen ee u soo cararay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray inta uu socdey sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Yemen ka dhaxeeya, Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ay wax walba oo awooddeedaha ah ay la qabtaan walaalahooda reer Yemen.

Dhanka kale Safiirka cusub ee dalka Yemen Fadil Cali Al-Hinkh, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu si wanaagsan u soo dhoweeyey, isla markaana ay toos uga hadleen sidii wadadidda wax wada qabsiga ka dhaxeeya dalalka Yemen iyo Soomaaliya, dowladda Yemen-na ay Soomaaliya uga mahadcelineyso taageerada walaalnimo iyo sida dadka Reer Yemen loogu soo dhoweeeyey Soomaaliya markii ay dalkaasi dagaallada ka dhaceen.

SomaliSWiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: