Advertisements

Magaalada Zürich ee Dalka Switzerland oo shalay Sabtida ahayd lagu qabtay Xaflad lagu waynaynayay dhalashadii Nabigeena CSWS.

 

img_04021Sida Caadada ahayd waxaa Maalintii Sabtida ahayd oo taariikhda ku beegnayd 17.12.2016 ay Culumada Masjidka Al-khulafaa’uraashidiin ee magaalada zürich u qabteen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Kanton Zürich ee Dalka Switzerland Xaflad lagu waynaynayay dhalashadii Nabigeena CSWS.

img_03861Xafladda Munaasabadda Xuska Nabigeenna CSWS waxaa ka soo qeyb galay Culimaa,udiinka, Waaladiinta, indheergaradka dhalinyarada iyo Haweenka iyo caruurtooda.

Xaflada ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Culimaa,udiinka ahlusunah waljamaacah ee Kanton Zürich, waxaana lagu marti-qaaday Culumo ka kala yimaaday qaar ka mid ah Kantoonada dalkan Switzerland.

img_03931Furitaanka Ixtifaalka Mowliidka ayaa waxaa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka oo akhrisay gabar yar oo ka tirsan ardayda wax ka barato Masjidka Alkhulafaa.uraashidiin ee magaalada zürich , kadibna waxaa halkaasi ardayda kusoo bandhigeen nashiidooyin macaan waxaa xaflada xiriiriye ka ahaa sheekh Axmed Maxamad Duri.

Sidoo kale, waxaa la Qaaday qasiidooyin Nabi ammaan ah , ayadoo si isdaba joog ah ay u bilaabatay qudbadihii diiniga ahayd iyo siiradii nabigeena Muxammed SCWS .

img_03851Culumaa´udiinkii munaasabadaas khudbadaha Diiniga ahaa iyo Siirada Nabi Maxamed CSWS, ka jeediyey waxaa ka mid ahaa: Imaamka Markazul Islaami ee Gladburg ee kanton Zürich Sheikh Max’uud Xusein Al-dharabulsi oo lagu soo casumay Xafladdan, sidoo kale waxaa kalmado kooban ka jeediyey Sheeikh Mustaf Ali Khalif, Al Ustaad Nuuradiin iyo Culumo kale oo si aad ah u sharraxay Siirada nabigeena Muxammed SCWS  

img_04011

Sidoo kale waxaa Qasaa‘idyo macaan oo aan la soo koobi karin Munaasabaddaas ka qaaday Culummada Masjidka Al-khulafaa’uraashidiin ee magaalada zürich, taas oo si aad ah ugu khushuucayn dadkii Munaasabaddaas ka soo qaybgalay.

Ka soo qaybgalayaashii Munaasabadda Xafladda Mowliidka, ayaa loo sameeyey qado sharaf, waxaana Xafladdaas ku dhammaatay Farax iyo Reynreyn.

img_04001img_03971img_03881SomaliSwiss         Zürich 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: