Advertisements

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee federaalka iyo guddiyada heer dowlad gobolleed oo hadallo Culus is-dhaafsanaya ..

guddiga-khilaafaadkaGuddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee federaalka iyo guddiyada heer dowlad gobolleed ayaa hadallo Culus is-dhaafsanaya, Sidaas darteed war-saxaafadeed ka soo baxay si adag loogu jawaabay qoraal wadajir ah oo ay soo saareen oo ku gacan seyray go’aankii lagu laalay ee ahaa 11kii kursi oo natiijadoodii la  baabi’iyay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in gudiyada doorasho ee heer dowlad gobolleed ku kaceen falal ka baxsan waajibadkii shaqo ee loo idmaday, iyaga oo ku kacay sidda qoraalka ku dhigan”.

  Is-dabamarin iyo wax ka badal lagu sameeyay ergooyinkii saxda ahaa oo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka” U olaleynta, iyo ganacsiinta musharixiin gaar ah oo la soo saaray si ay u helaan codadka ugu badan  ergada” iyo guud ahaanba in ay la wareegeen awoodii odayaasha oo loo baahnaa in ay soo xulaan ergooyinka islamarkaana go’aan ka gaaraan sidda ay beellaha kuraasta ugu tartamayaan.

Qoraalka ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa lagu sheegay in doodda adag ee laga keenay liiska kuraasta la laalay macnaheedu yahay sidda ay hadalka u dhigeen boor isku qarix iyo in la doonayo in lagu baabi’iyo khaladaadka doorasho ee  la galay oo la siyaasadeeynayo.

Guddiga ayaa ugu baaqay madasha-wadda-tashiga in ay ka dhabeeyaan balan-qaadyadii ay horay u galleen, gaar ahaan hishiiskii ahaa in guddiga loo madaxbanaaneeyo qaadashada go’aamada la xiriira doorashada.

Marka la eego khilaafkan culus ee ka taagan qoraalkii ka soo baxay gudiga xalinta khilaafaadka  14, bishan maalin ka hor ee lagu joojiyay natiijadii doorasho 11 xildhibaan ayaa u muuqda mid siyaasadeed oo salka ku haya olalaha doorasho ee dhinacyada ku loolamaya awooda dalka, waxaana jira durbaba eedeymo soo baxaya oo dhigaya in guddiga xalinta khilaafaadka doorashada lafirkooda ka weecdeen in ay liiska ku soo darraan xildhibaanno la sheegay in aysan ku soo bixin hab waafaqsan nidaamka doorashada.

Arrintan oo keentay in guddiyada heer dowlad gobolleed ku tilmaamaan go’aankan soo baxay mid la musuq-maasuqay.

Sidoo kale Danjiraha xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Miichael Keating ayaa kulan albaabada u xirnaayeen la qaatay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyagoo ka wadahadlay go’aankii dhowaan ay soo saareen guddiga.

Danjiraha iyo guddiga ayaa lagu waramayaa in ay ka wadda hadlleen arrimo la xiriira go’aankii dhawaan ka soo baxay oo ay ku laaleen 11 kursi oo ka mid xildhibaanadii lagu soo doortay gobollada kala gadisa ee dalka, kaddib markii kuraastaa lagu eedeeyay in ay ku soo baxeeen hab aan wafaqsaneyn nidaamka doorashada.

Lama oga waxa ay isku soo qaadeen guddiga iyo danjiraha QM, kaddib  markii go’aanka soo baxay uu buuq siyaasadeed iyo khilaaf hor leh ka dhax abuuray guddiga doorashada dadban ee heer federaal iyo maamul gobolledyada oo ku gacan-seyray.

Ugu danbeyntii, beesha caalamka ayaa kol hore ugu baaqday hogaamiyayaasha madasha wadda tashiga in ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiyada kala gadisan ee doorashada loona daayo go’aamada ay qaataan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: