Advertisements

Qarax weyn oo ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay agagaarka gurigii Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

qarax-jpg13Qarax weyn oo ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay agagaarka gurigii Hooyooyinka ee ka soo hor-jeeda xarunta tiyaatarka Qaranka Muqdisho, waxaana jira durbaba warar kala duwan oo ka soo baxay qaraxa.

qarax-jpg14Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari lagu soo raray walxaha qaraxa  oo lala eegtay maqaayada The Village ee ku taal Guriga Hooyooyinka.

Xiliga uu qaraxu dhacay ayaa la sheegay in ay goobta ku sugnaayeen dad u badnaa rayid, balse warar dheeraad ah ayaa sheegaya in qarax xooga badan  loo adeegsaday gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay meel ku dhaw guriga hooyooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan maqaayada The Village ee degmada Xamar-weyne.

qarax-jpg15Gaariga oo xowlo dheereeye ku soo maray waddada hormarta guriga hooyooyinka ayaa la sheegay in uu rogmaday ka hor inta uusan qarxin, waxaana uu ku dhacay qeyb ka mid ah darbiga maqaayada  oo bur bur uu soo gaaray.

Sida lagu soo warramay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo xayiray isku socodkii dadka iyo gadiidka waddada laamiga ah ee hormarta guriga hooyooyinka, iyaga oo halkaa ka wadda baaritaanno la xiriira qaraxa.

Warku wuxuu intaa ku darayaa  in afar ruux oo shacab ah oo ay ka mid ahaayeen wariyayaal ku dhaawacmeen qaraxa, balse waxaa la sheegay in qofka kaliya uu ku dhintay. kaas oo  ahaa waddihii gaariga is qarxiyay.

qarax-jpg16Maqaayada The Village oo inta badan ay ku kulmaan wariyayaasha ka howlgala warbaahinta Muqdisho, shaqaalaha laamaha kala gadisan ee dowladda iyo dadka rayidka ah ee reer Muqdisho, ayaa marar badan oo hore sidan oo kale loo bartilmaameedsaday.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: