Advertisements

Saraakiisha Nabad-sugida Qaranka iyo Ciidamada Booliska ee maamulka Puntland oo howlgallo ku soo qabteen Maandooriye khamri ah.

khamriSaraakiisha hay’addaha nabad-sugida Qaranka iyo  Ciidamada booliska ee maamulka Puntland ayaa soo bandhigtay jawaano iyo Katuumo ay ku jiraan khamri badan, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidammada ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo Garoowe.

khamri-jpg1Saraakiisha hay’adda nabad-sugida oo ka warbixiyay khamriga iyo soo qabteen ayaa sheegay in a ka soo saareen bakhaaro lagu keydiyay oo ku yaalla degmada Warta Nabad Ex Wardhiiglye.

Sida la sheegay Ku dhawaad 74 jawaan oo ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga ayaa laga soo saaray bakhaarka ku yaala degmada Warta Nabbada, waxaana saraakiisha ay sheegeen iney wax ka qaban doonaan dadkii khamriga lahaa.

Saraakiisha u hadashay nabad sugida ayaa sheegay in maandooriyaha khamriga uu kamid yahay waxyaabaha dhibaatada amni darada magaalada Muqdisho ka qeyb qaata, balse ma jirin dadkii khamriga lahaa oo lasoo bandhigay.

Sidoo, kale saraakiisha ayaa sheegay in ay bartilmaameyd ka dhigan doonaan goobaha kale ee lagu iibiyo khamriga ee ku yaala magaalada Muqdisho,  ayna ka hortagi doonaan waxyaabaha maanka dooriyo.

khamriDhanka kale Ciidamada Booliska ee maamulka Puntland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen qamri aad u badan.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Garowe waxay sheegeen iney kusoo qabteen 12 kartoon oo qamri ah iyo shan ruux oo waday.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay iney qabteen rag ka ganacsada qamriga oo geyn jiray magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Ugu danbeyntii Taliyaha booliska qeybta gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Awxuseen(Xinjara-dhuuq) ayaa sheegay in ciidanku ay ku guuleysteen howlgalka gaarka ah oo ay ka sameeyeen Garoowe kuna soo qabteen Khamriga iyo dadkii watay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: