Advertisements

Saldhiga Booliska ee magaalada Jowhar oo lagu soo bandhigay Laba nin oo soo dileen Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab.

al-shabaab-jpg2Saraakiisha Booliska dowladda ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo bandhigay Laba nin oo shacab ah, kuwaas oo la sheegay inay tuulo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ku soo dileen Sarkaal Ururka Al Shabaab ka tirsanaa, ka dib markii ay ka dhiidhiyeen culeys uu ku haayay dadka deegaanka.

Sarkaalkan, ayaa waxaa lagu dilay Deegaanka Ceeldheere Barsane, oo 50km u jirta Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe

Labadan nin oo soo gaaray Magaalada Jowhar, ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska ee magaalada Jowhar, iyagoona sharaxaad ka bixiyay sababta ay ninkaasi u dileen.

Ibraahim Aadan Macalin oo ka mid ah labada nin ee dishay Sarkaalkan, ayaa sheegay Sarkaalkaasi lagu magacaabi jiray C/raxmaan Raaxoole, in uu dadka deegaanka marar badan ka qaaday wixii ay haysteen, markii dadkii ay cabasho badan ka keenayn arinkaasi ayysan jirin cid wax ka qabatay cabashadooda.

Ibraahim Aadan Macalin, ayaa Sarkaalka ay dileen ku eedeeyay in uu ku amar taakuleyn jiray bulshada ku dhaqan Deegaanka Ceeldheere Barsane, ayna soo dedejisay tallaabada ay ku qaarajiyeen sarkaalkaasi shabaabka u qaabilsanaa deegaankaasi.

SomaliSwiss     Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: