Advertisements

Guddiga xalinta khilaafaadka oo joojiyay natiijadii doorasho 11 xildhibaano oo lagu doortay qeybo ka mid ah Gobollada dalka.

Members of the Electoral Dispute Resolution Mechanism at a consultative meeting with the Federal Indirect Electoral Implementation Team in Mogadishu, Somalia, on October 07, 2016. UN Photo / Ilyas Ahmed

War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay guddiga xalinta khilaafaadka ayaa si rasmi u joojiyay natiijadii doorasho 11 xildhibaano oo lagu doortay qeybo ka mid ah gobollada dalka, kaddib markii la ogaaday in ay ku soo baxeen hab aan sharciga waafaqsaneyn.

Xildhibaannada ka soo muuqday liiska ayaa intooda badan ka baxay magaalada Baydhabo, halka siddoo kale ay ku jiraan xildhibaanno laga soo doortay maamulada Hirshabeelle iyo Puntland. –

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ku ku dhawaaqay in la baabi’iyey doorashooyinkii qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, ee muranka uu ka taagnaa.

Guddiga ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin gaaraya illaa 67 kursi, oo la sheegay in si qaldan ama musuq maasuq uu ku jiro lagu doortay, hase yeeshee waxay sheegeen inay laaleen kaliya 11 kursi.

Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in guddiga ay ka leexdeen kuraasta shaqsiyaad caan ah oo xoog iyo musuq maasuq kusoo baxay, balse ay laaleen kuraasta dhowr qof oo aanay bulshada si wanaagsan u aqoon.

Arrintan ayaa u muuqata mid lagu qaldayo dareenka bulshada iyo beesha caalamka, si caddaalad loo muujiyo, balse xaqiiqda ay tahay in xubno badan oo awood sheegtay kuna xiran madaxweynaha la ansixiyey doorashadooda.

liiska Xildhibaanada la baabi’iyey doorashooyinkooda la baabi’iyey waa kuwa hoos ku qoran:

15390781_2163756760516851_3420927595754755616_n15492251_2163756753850185_3412139501047956825_nSomaliSwiss     Muqdisho/Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: