Advertisements

Qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay agagaarka Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

qarax-jpg11Qarax ismiidaamin ah oo saaka aroortii hore lagu Weeraray Xarunta Laanta Canshuuraha Berriga oo ku taalla agagaarka Dekedda weyn ee Muqdisho, qaraxaas oo ugu yaraan ay ku dhinteen 29-ruux, intaa ka badana way ku dhaawacmeen Qaraxan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliiska.

qarax-jpg12Col C/qaadir Faarax ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters, in 29 ruux oo u badnaa dad rayid ah ku dhinteen weerarka, halka dhaawaca uu ka badan yahay 50 ruux oo qaarkood ay soo gaareen dhawacyo culus, kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka Muqdisho.

Afhayeen u hadlay xarrakada Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarka ay la beegsadeen xarun ay  lahaayeen ciidammada booliiska oo ku dhaw dekeda Muqdisho, iyaga oo dhinacooda sheegtay in ay ku dileen tiro ka badan inta ay xaqiijinayaan laamaha amniga dowladda.

Weerarka saakay ka dhacay naxaawiga dekeda Muqdisho ayaa imanaya xili siddoo kale weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu bartilmaameedsaday maalintii shalay barkootarool oo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen meel dulleedka ka ah Ex Koontarool Afgooye.

Weeraradan oo dhan ayaa dhacaya xili qeybo ka mid ah dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka soconayaan doorashooyinkii xubnaha aqalka hoose iyo sare. SomaliSwiss      Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: