Advertisements

Wadanka Switzerland oo maanta laga dhigay dibadbax Socod dheer ah oo lagu magacaabay “Silsilad Aadami ah“…

dibadbaxWaxaa maanta dalkan Switzerland ka dhacay Bannaanbax Socod dheer ah oo lagu magacaabay “Silsilad Aadami ah“, loogana soo hojeeda diidmada Swiss-ku ay ku diidayaan inay qaabilaan Caruurta aan qaan-gaarka ahayn ee ku sugan dalkan Swiss-ka.

Shalay oo Sabtida ahayd ayaa qaar ka mid ah magaalooyin waaweyn ee Wadanka Switzerland sida Bern Zürich, Ginevra iyo San Gallo, waxaa isugu soo baxay dad lagu qiyaasay Hal Milyan qof oo socod dheer ku maray gudaha magaalooyinkaas, socodkaas oo loogu soo hojeedo diidmada ay Swiss-ku  ku diideen inay qaxooti ahaan u qaabilaan Caruurta aan qaan-gaarka ahayn ee yimaaday Dalkan.

Dibadbaxan oo ays soo qaban-qaabisay Hay’adda Caafimaadka Caruurta u qaabishan Qaramada Midoobay (Unicef); iyadoo lagu soo beegay maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aaadanaha.

Hay’adda Unicef ayaa sheegtay in 28 milyan Caruurtaah  ama Dhallaanka ah ay qasab ku noqotay inay ka soo cararaan dagaalada ka dhacay meelo badan oo Caalamka ka mid ah.

Sida ay sheegeen Warbaahinta dalkan Switzerland in dibadbaxa Socodka dheer ah wuxuu billaabmay 12ka Saac ee Duhurnimo socdayna ilaa 16ka galabnimo

SomaliSwiss       Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: