Advertisements

Qarax ay laba qof ku dhinteen oo ka dhacay duleedla magaalada Muqdisho ee G/Banaadir.

qarax-jpg9War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 qof ay ku dhintay qarax loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxa meel u dhow Muqdisho maanta.

qarax-jpg10Sida lagu soo warramay in Labada qof ee dhintay ay ka tirsanaayeen Booliska Soomaaliya kuwaasoo ku sugnaa bar koontarool. Afar kale ayaa dhawaac ah kuwaasoo iyana booliska ka tirsan.

“Dambiileyaashu mar kale ayay soo qaadeen weeraradooda fulaynimo. Markaan waxay weerareen bar koontarool oo kutaal siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho”.

Sida uu sheegay Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka Banaadir ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarteeda uu weerarkaa qaraxa ah qaaday.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: