Advertisements

Madaxweyne Yahye Jammeh oo dhawaan qirtay in doorashada looga adkaaday oo mar kale diiday inuu xilka wareejiyo.

gambiaMadaxweynihii Gambia ee dhawaan qiray in doorashada looga adkaaday Yahye Jammeh ayaa diiday mar kale inuu xilka wareejiyo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu qiray inuu aqbalay in doorashada looga adkaaday oo murashaxii mucaaradka Adama Barrow uu doorashada uga codad batay. Shalay ayuu talefishinka qaranka ee Gambia ka sheegay inuusan xilka wareejinayn.

Sidoo kale wuxuu  sheegay in loo baahan yahay in doorashada lagu noqdo. Dadka qaadaa dhiga siyaasada ayaa sheegaya inuu naftiisa iyo noloshiisa mustaqbalka u cabsaday in loo raacdeysto hadii uu xilka wareejiyo oo uu bannaan ku soo dhaco.

Dhanka kale waxaa la sheegayaa in markii horeba militariga dalkaasi ku qalqaaliyeen inuu aqbalo in doorashada loogaga adkaaday ee uusan asagu rabin inuu sidaa yeelo. Teeda kale ayaa madaxweynahaa waxaa lagu eedeeyaa inuu tacadiyo badan geystay; maxaa run ah, maxaa been ah?

SomaliSwiss       Banjul

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: