Advertisements

Wafdi ballaaran oo uu hor kacayo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo Maanta u kicitimay Dalka Ethiopia

Madaxweyne Xasan SheekhMadaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hor kacayo ayaa Maanta u kicitimay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Safarka Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa salka ku haya ka qayb galka Shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo halkaasi kaga furmaya hoggaamiyeyaasha Waddamada Gobolka.

Shirkan ayaa la filayaa inay ku kulmaan Madaxda Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, iyagoo halkaasi kaga wada hadli doona xaaladahii ugu dambeeyay ee Gobolka.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: