Advertisements

Hoggaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran oo kulankoodii laga soo saaray war-murtiyadeed la xiriira hannaanka Doorashooyinka…..

madaxda-dalka-jpg3Madasha Wada-tashiga Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 07-08 Deseember 2016-ka, kaasoo uga hadlayeen arrimaha doorashooyinka sanadka 2016.

madasha-qaran-somaliaKulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan; Madaxweynaha Galmudug Cabdikarin Xuseen Guuleed; Madaxweynaha Hirshabele, Cali Cabdulahi Cosoble; iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland,  Eng. Cabdihakin Cabdullahi Camey;

Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la qiimeeyo arrimaha qabsoomay iyo in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016-ka.

Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaran – oo ku Kulmay Muqdisho ayaa isku Raacay in Madaxweynaha Cusub ee Somalia la doorto 28-ka bishan lagu jiro ee December, iyadoo inta ka horreysa la dhaarinayo xildhibaanada, isla markaana la dooran doono guddoonka golaha cusub ee Shacabka. Go’aanada shirka Madasha kasoo baxay waxaa ka mid ah; in

Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub la dhaariyo 15-ka bishan December. In Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub iyo ku xigeennadiisa la doorto 22-ka Bishan December iyo in Doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ay dhacdo 28-ka bishan December.

Sidoo kale, Waxaa go’aannada shirkii Madasha kasoo baxay ka mid ah inay ku soo galaan Muqdisho ugu dambeyn 14-ka bishaan lagu jiro ee December, si loo dhameystiro diiwaan-gelintooda.

Waxaa kaloo ka mid ah go’aannada shirkii Madasha kasoo baxay in shir ay u Wada-dhan yihiin Hogaanka Madasha lagu qabto Muqdisho 13-ka December 2016-ka, si la isku meel-dhigo Arrinta la xiriirta Saamiga ay Labadaan Gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dhamaystirka howlaha doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed.

madasha-qaran-somalia-jpg1Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay; Mr. Michael Keating: oo hadal gaaban ka jeediyey furitaanka madasha ayaa bogaadiyay hogaamiyeyaasha madasha. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay gudiyadda doorashooyinkka heer gobol iyo heer Federal sida habsamidda leh ay u fuliyeen howlaha Doorashooyinka dadban. Ergayga Gaarka ah waxuu mar kale Madasha u xaqiijiyay in beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in waxa walba waqtigeeda lagu bixiyo.

  1. Dhameysirka geeddi-socodka doorashada

1.1. Madashu waxaay isla waafaqday in la dardargeliyo dhameystirka howlaha ka harsan doorashooyinka. Iyadoo taa laga ambaqaadayo ayaa waxay isla meel-dhigeen qodobban:

  1. In dhammaan kuraasta doorashadooda harsan tahay si degdeg ah loo soo dhameystiro.
  2. Xildhibaanada loo soo doortay labada Aqal ee BFS ay ugu dambeyn 14.12.2016 u soo galaan Muqdisho si loo dhameystiro diiwaangelintooda.
  3. Munaasabadda lagu furayo Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka 10-aad ee JFS, kulankiisa wadajirka ah oo lagu dhaarinayo Xildhibaanada labada Aqal waa in la qabtaa 15.12.2016.

1.2. Haddii Baarlamaanka Federaalka si kale u guddoonsan:

  1. In Guddoomiyeyaasha labada Aqal iyo Ku-xigeennadooda la doorto 22ka Diseembar 2016; iyo
  2. In Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la qabto 28ka Diseembar 2016.
  3. Ansixin habraac ku-meel-gaarka muddada kala guurka.

2.1. Madasha waxay ansixisay habraaca ku-meel-gaar ah iyo Xeer-Hoosaadka u gaarka muddada kala guurka Baarlamaanka 9-aad iyo Baarlamaanka 10-aad ee cusub uu soo diyeeriyey Guddiga Farsamada iyo khubarada BFS.

2.2. Habraacan oo ansixin loo horgeyn doono Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu maareyn doonaa:

  1. Qabashada Kulanka 1-aad ee wadajirka lagu dhaarin doono xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee la soo doortay;
  2. Doorashada Guddoonka iyo Ku-xigeennada labada Aqal ee BFS; iyo
  3. Doorashada Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  4. Xallinta saamiga Aqalka Sare Gobollada Sool iyo Sanaag.

madaxweyne-xasan-iyo-madasha-jpg33.1. Madashu waxay si qottodheer u falanqaysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

3.2. Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo.

  1. Baaq iyo Bogaadin

4.1. Madaxda Madasha ayagoo aad u qaddariyey howlaha ay fuliyeen Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed iyo Gudiiga Xallinta Khilaafaadka waxay ku bogaadiyeen xowliga ay ku fuliyeen iyo mihnadyananimada ay ilaa heerkan ku soo gaarsiiyeen dardargelinta doorashooyinka dadban 2016 ee loo xilsaaray.

4.2. Madashu waxay mar kale hoosta ka xariiqeysaa xurmeynta madaxbannaanida Guddiyada kala duwan ee loo xilsaaray hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016. Waxaase looga boorinayaa gudiyadau in ay raacaan habraacyada ay Madashu horay u ansixisay ee qeexaya fulinta xilalka iyo waajibaadka loogu xilsaaray xeerarka Guddi walba lagu dhisay.

4.3. Madashu waxay sidoo kale bogaadin iyo mahad ballaaran u jeedineysaa dhammaan Taliyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil-xigeenka iyo dableyda Ciidammada Qalabka Sida, sida wacan oo daljirnimada ku dheehan ay u sugeen amniga umadda iyo nidaamka doorashooyinka. Madashu waxay dhammaan Hay’adaha Amniga iyo dadweynaha ugu baaqeysaa in ay joogteyaan iskaashiga iyo dadaalka sugidda amniga iyo difaaca Dowladnimadeena.

Shirka Doorashada.jpg24.4.  Madashu waxay si gaar ah ugu mahadcelineysaa Beesha Caalamka tixgelinta gaarka ah u siineyso arrimaha horumarinta Soomaaliya iyo taageerada ay had iyo jeer la garab taagan yihiin Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Dib u dhigidda doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa waxay noqonaysaa markii Saddexaad tan iyo bishii September ee Sannadkan, iyadoo aan la ogeyn in xilliga cusub ay Doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

SomaliSwiss          Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: