Advertisements

Xafiiska ICRC ee arimaha Soomaaliya qaabilsan oo soo saartay warbixin ku saabsan jirdilka.

redcros-jpg1Kulan lagu soo bandhigaayay warbixnta  la xiriirta Jirdilka ayaa lagu qabtay Nairobi caasimada Kenya kaasoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday hay’adaha samafalka iyo bahda saxaafada.

redcrosShirkaa ayaa ka dhacay xafiiska ICRC ee magaalada Nairobi, waa xafiiska ICRC ee arimaha Soomaaliya qaabilsan.

Agaasime-ku-xigeenka ICRC u qaabilsan arimaha Afrika, Patrick Youssef ayaa soo jeediyay qodobo kookooban oo kusaabsan warbixinta kuwaasoo ahaa nuxurka warbixinta.

‘Talobixino kusaabsan sidii ay wax uga baddali lahaayeen darafyada colaadaha kulugta leh maahan waxa diirada lagu saaray balse in la ogaado heerka jirdilka ee dalalka colaaduhu saameeyeen’, ayuu yiri  Patrick Youssef asagoo ka jawaabayay su’aal bahda saxaafada ay weydiisay kuna saabsanayd ilaa xad inta heerka dadaalka ICRC uu dhan yahay si wixii talo bixino ah oo ay soo jeediso aan marfashka loogu halmaamin baddalkii la hirgalin lahaa.

Warbixinta ayaa waxaa kujirta xog laga soo uruurshay 17,000  oo qof oo kunool 16 dal oo caalamka ah oo ay kujraan Koofur Suudaan iyo Nigeria, Yemen, Suuriya, Ciraaq, iyo Afghanistan.

SomaliSiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: