Advertisements

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Carte iyo Wasiirkii Hore ee A. Dibadda, Bayle oo noqday xildhibaanadii ugu horeeyay aqalka hoose ee G/ Woqooyi.

Ra'iisal-wasaare Cartebeyle

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte iyo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa noqday xildhibaanadii ugu horeeyay ee ku soo baxa doorashada xubinnimada aqalka hoose ee gobollada W/qooyi Soomaaliland ku matallaya baarlamaanka federaalka ee cusub. Doorashada Max’ed Cumar Carte oo ugu guuleystay musharixiin la tartamayay 47 cod, waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada. Waxaa uu uga mahad celiyay guushiisa ergooyinka doortay, waxaana uu ammaan u jeediyay howsha ay hayaan guddiga doorashooyinka iyo ciidamada amniga.

Doorashadan ayaa imaneysa xili ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya uu ku baaqay in doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland lagu  qabto xarunta Xalane, waxaana baaqaa ra’iisal wasaaraha ka jawaabay Max’ed Cumar Carte.

“Waxaa ku faraxsannahay in doorashada aysan ka dhicin meel ciidamo ajnabi ah joogaan, waxaa amniga sugaya waa ciidammo Soomaaliyeed, ayuu yiri Max’ed Cumar Carte.

Ugu danbeyntii, doorashada dhowr kuraas kale ayaa lagu wadaa inay goor dhow ka dhacdo xarunta Gaadiidka Booliska, iyadoo kuraasta qaar ay ku tartamayaan Xubno horay xildhibaano iyo Wasiiro u soo noqday.

Sidoo kale Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobollada Wqqooyi ayaa saakay ka billaabay Muqdisho, iyadoo Kursigii ugu horreeyay uu ku Guuleystay RW ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte.

Sidoo kale, C/raxmaan Beyle oo la Tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib ayaa ku guuleystay 48-cod, halka Abiib uu helay laba cod oo keliya, iyadoo codna uu xumaaday, sida ay ku dhawaaqeen guddiga Doorahada.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkaan oo Goob-joog ka ahaa Doorashada ayaa ku dhawaaqay Natiijada, isagoo caddeeyay in C/raxmaan Beyle uu ku soo baxay kursiga Aqalka Hoose ee Waqooyiga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Mudane Beyle, ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddii uu horkacayay C/wali Sheekh Axmed, wuxuuna Dhawaanahaan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Afrika ee Xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.

Hase yeeshee, waxaa Weli Muqdisho ka socota Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee beelaha Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo ay ku tartamayaan xubno kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

SomaliSiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: