Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan cidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland.

xasan-sheikh-kismaayoMadaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan cidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybtooda Jubaland oo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar ciidan uga socday xaruntii hore ee Jaamacadda Kismaayo ee duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo. Continue reading

Advertisements

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Carte iyo Wasiirkii Hore ee A. Dibadda, Bayle oo noqday xildhibaanadii ugu horeeyay aqalka hoose ee G/ Woqooyi.

Ra'iisal-wasaare Cartebeyle

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte iyo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa noqday xildhibaanadii ugu horeeyay ee ku soo baxa doorashada xubinnimada aqalka hoose ee gobollada W/qooyi Soomaaliland ku matallaya baarlamaanka federaalka ee cusub. Doorashada Max’ed Cumar Carte oo ugu guuleystay musharixiin la tartamayay 47 cod, waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada. Waxaa uu uga mahad celiyay guushiisa ergooyinka doortay, waxaana uu ammaan u jeediyay howsha ay hayaan guddiga doorashooyinka iyo ciidamada amniga. Continue reading

Wakiilka xog-hayaha guud ee QM oo war ka soo saaray doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha inay mar kale dib u dhacin.

micheal-keating-2Ergeyga xog-hayaha guud ee QM Micheal Keating ayaa war  ka soo saaray doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in doorashada mar kale dib u dhacdo. Continue reading

Xafiiska ICRC ee arimaha Soomaaliya qaabilsan oo soo saartay warbixin ku saabsan jirdilka.

redcros-jpg1Kulan lagu soo bandhigaayay warbixnta  la xiriirta Jirdilka ayaa lagu qabtay Nairobi caasimada Kenya kaasoo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday hay’adaha samafalka iyo bahda saxaafada. Continue reading

%d bloggers like this: