Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa ka soo dhax muuqday sawir muujinaya iyaga oo dul taagan diyaarad nooca Drone ka ah oo ku soo dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Dagaalamayaasha ka mid ah Xarakada Al-shabaab oo ku hubeysnaa qoryaha AK47-ka, islamarkaana wajiyada daboolan ayaa la arkayay iyaga oo dul-taagan diyaarad nooca wax basaaso ah oo ku dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.
Sida lagu soo warramay Al-shabaab ayaa diyaaradan ku soo bandhigay deegaan lagu magacaabo Mubaarak oo ka tirsan isla gobolka Sh/hoose, mana aysan bixin wax faah faahin marka laga reebo in ay soo bandhigeen muuqaalka diyaaradan.
Si kasta ha ahaatee ma’aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale Al-shabaab u soo bandhigaan diyaarad nooca wax basaaso ah oo ku soo dhacday qeybo ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya, waxaana diyaaradaha noocan ah intooda badan isticmaala dowladda Mareykanka.
SomaliSwiss    Afgooye
SomaliSwiss@hotmail.com
Â
Filed under: Muqdisho |