Advertisements

Mr. Kaddu Kiwe Sebunya oo Madaxda Qaarada Afrika uga digay Boobka shisheeyuhu ku hayaan kheyraadka Afrika.

mr-kaddu-sebunyaHay’adda dhaqdhaqaa Noloasha Xoolaha Durjoogta Afrika (The African Wildlife Foundation) (AWF) ayaa maanta ku dhawaaqday in Madasaxa Cusub ee Hay’addan loo doortay Mr. Kaddu Kiwe Sebunya oo u dhashay dalka Uganda.

african-meetingDoorashadiisa kadib Mr. Kaddu Kiwe Sebunya  ayaa wuxuu diirada saaray ee uu ka hadlay Siyaasadda lagu hagaaya Noloasha Xoolaha Durjoogta Afrika  wuxuuna Madaxda Qaarada Afrika uga digay Boobka shisheeyuhu ku hayaan kheyraadka, waxaana lagu booriyay in ay aadna uga hadlaan Boobka sida sharci darrada ah ay shisheeyuhu uga hayaan Qaaradda kheyraatkeeda dabiiciga ah.

Sidoo kale waxaa looga digay ganacsiga aan xaqa ku dhisnayn ee shisheeyuhu la leeyihiin Wadamadda Qaaradda.

Madaxweynaha Hay‘adda African Wildlife Foundation, Mr. Kaddu KiweSebunya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Qaaraddu ay ka hadlaan nidaamka caalamiga ah ee sida khaldan wax looga faa‘ideysto.

Dhanka kale Kaddu Sebunya wuxuu sheegay in ganacsiga iyo horumarka laga hormariyo wax kasta islamarkaana lagu dhaqmo xaqa.

“Waxaan xornimadeenii ku weynay gumeysteyaal kuwaasoo masiirkeena wax badan oo ka mid ah koontaroolayay,”Sidaa ayuu yiri Mr. Kaddu Kiwe Sebunya.

Uga danbeyntii wuxuu intaa ku daray in ay tahay arin murugo leh in tobanaan sano gumeysiga markii laga baxay kadib Afrika ay ku sii socoto luminta waxyaabaheedii dhaxalgalka ahaa.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: