Advertisements

Caasimadda dalka Swedan ee Stockholm oo xalay lagu dilay laba Wiil oo soomaali ah.

sweden

Caasimadda dalka Swedan ee Stockholm ayaa waxaa xalay lagu dilay laba Wiil oo soomaali ah kuwaas oo fadhiyay baar ku yaal bartamaha xaafaddaasi, waxaa kaloo jira ruux weerarkaasi ku dhaawacmay oo iminka isbitaalka yaalla.

sweden-jpg1Xalay Fiidkii, ayaa waxaa kooxo hubeysan oo ilaa saddex ruux lagu qiyaasay weerar ay ku qaadeen dad fadhiyay baar ku yaal xaafaddaasi, waxaana rasaas ay ooda uga qaaadeen ku naf-waayay labada Wiil, iyadoona uu ku dhaawacmay Qof kale.

Booliska ayaa ku raad-jooga saddex ruux oo dhaallinyaro ah kuwaas oo la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarka, kuna baxsaday gaari cad, sida ay markhaatiyaal sheegeen.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in dhalashada labada dhimatay oo ahaa labo Wiil oo waalaalo ah ay soomaali ahaayen.

Xaafaddan ay soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa dhowr goor oo hore ka dhacay falal la xiriira kooxaha gangska, waxaana xaafad ay ajaanibta u badan tahay. 

SomaliSwiss    Stockholm

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: