Advertisements

Magaalada Muqdisho oo Xalay lagu qabtay Shir looga hadlayey amniga xarumaha doorashooyinka kala duwan ka dhici doonaan.

amniga-jpg1Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa xalay lagu qabtay shir looga hadlayay ammaanka caasimada iyo sidii loo sugi laahaa amniga goobaha ay dhawaan ka dhacayaan doorashooyinka xubnaha Aqalka hoose, aqalka Sare, Guddoonka Barlamaanka Cusub iyo Madaxweynaha Cusub ee Dalka uu yeelanayo.

amniga-jpg2Kulankani ayaa waxaa xalay ka  soo qaybgalay Saraakiil badan oo ka tirsan Hay’adaha ammaanka dalka oo ugu horeeyo Taliye ku xigeenka ciidanka NISA, Taliyaha ciidamada Booliska, Abaanduulaha ciidamada Booliska, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Muqdisho, waxaana saacado badan qaatay tallooyinka iyo su’aalaha dhanka ammaanka ku aadanaa iyo sida ciidamada ay u xaqiijinayaan ammaanka guud ee goobaha Doorashooyinka.

amnigaIntii kulanka uu socday ayaa la isla gartay in la kala qaybsado ammaanka goobaha Doorashooyinka ilaa laga gaaraayo Doorashada Madaxweynaha oo ilaa hada aanan la ogeyn waqtiga ay dhaceyso.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, ayaa Saxaafadda u sheegay in la isla gartay qorshe wanaagsan oo ku aadan suggida ammaanka caasimada muqdisho, waxa uuna ka gaabsaday waxa qorshaha uu yahay.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: