Advertisements

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia oo maanta shir-guddoomiyay shir wadatashi ah oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Dalka.

raiisul-wasaare-ku-xigeenka-jpg1Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Somalia, Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta shir-guddoomiyay shir wadatashi ah oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada Dalka, kaas oo ku Saabsanaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.

raiisul-wasaare-ku-xigeenka-jpg2Mudane Carte, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in maamul-goboleedyada dalka ka jira laga laga tashto Qorshaha Qaran ee lagu Horumarinayo Soomaalya.

“Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka oo idil loo sameeyay, waxaa innaga galay wakhti badan, maal, fikir iyo xoogeenna si looga midho-dhaliyo looguna guuleysto qorshe u sameynta Waddanka,” ayuu yiri RW ku xigeenka dalka.

Mudane Carte  oo sii wato hadalkiisa wuxuu yiri: “Maanta waxaan isugu nimid inaan u gogol-xaarno dhameystirka iyo Ansixinta Qoorshaha Horumarinta Qaranka.

Sidaas daraadeed, Waa muhiim in aad Talooyinkiina ku biirisaan, si uu uga tarjuma baahida ka jirta dhamaan Gobolada Soomaaliya.” Ugu dambeyn, RW ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn u mahad-celiyay Wasiirka Qorsheeynta Qaranka Dowladda dhexe iyo wasiirada Qorsheeynta Maamullada dalka ka jira, Wuxuuna ku bogaadiyay Wada-shaqeeynta ka dhaxeysa.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

Advertisements
%d bloggers like this: