Advertisements

Ciidammo hubeysan oo maanta weerar ku soo qaaday Xarunta Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

jaamacadda-simadCiidammo hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidamada Dowladda Somalia ayaa maanta Gudaha u galay Xarunta Jaamacadda SIMAD oo ku Taalla Waddada Warshadaha ee Muqdisho.

Ciidamadan, ayaa la sheegay in Qaar ka mid ah Ardaydii Jaamacadda SIMAD oo ka baxayay ay ka Qaateen Taleefoonnadii ay wateen, iyadoo markaas kaddib Gudaha u galay dhismaha Jaamacadda oo Arday qaarkeed ay baqo u galeen, halkaasoo ay ka fureen Rasaas badan.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Carab oo Idaacadda VOA-da la hadlay ayaa sheegay in lix askari ay soo galeen dhismaha jaamacadda ay rasaas ku fureen ardaydii baxayay iyo kuwii soo galayay Xiisadaha Gellinka Dabme ee Jaamacadda laga bixiyo.

“Waxaan xaqiijinayaa in illaa lix askari oo hubeysan kuna ku labisnaa dharka ciidamada ay gudaha u galeen dhismaha Jaamacadda, ayna Rasaas badan fureen, inkastoo aysan jirin cid ay waxyeello kasoo gaartay,” ayuu yiri Daahir Carab.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD ayaa intaas ku daray inaysan ogeyn meel ay ka yimaadeen askartan, isagoo xusay in argagax-gelin kaddib ay isaga tageen goobta.

“Runtii Ardayda cid uu dhaawac soo gaaray ma jirto, Laakiin arrintan ayaa waxay ku keeni kartaa dhaawac dhanka Maskaxda ah, Waayo weli ma arag Arrin noocan oo kale ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Daahir Xasan Carab.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD ayaa sheegay in markii ay Dhammaatay shaqaaqada ay soo gaareen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna u sheegeen in tallaabo laga qaadi doono, balse aysan ogeyn in la xiray iyo in kale.

Ha yeeshee Shaqaaqadii manta ayaa imaanaysa iyadoo ardayda Jaamacadda SIMAD oo dhawr jeer ka cabtay kooxo ku labisan dharka Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo mararka qaarkood taleefoonnada ka qaata marka ay Jaamacadda u socdaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: