Advertisements

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta kormeer howleed ku tegay magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug.

micheal-keating-png1Danjiraha QM Soomaaliya Micheal Keating ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ka socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose ee baarlamaanka cusub.

Danjire Micheal Keating ayaa la filayaa in uu halkaa kulamo kula yeesho masuuliyiinta maamulka Galmudug iyo xubnaha gudiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, isaga oo kala hadli doona halka ay mareyso doorashada.

Siddoo kale danjiraha ayaa mudada uu halkaa ku sugan yahay waxaa la filayaa in uu  u guurgalo cabashada la xiriirta musuq-maasuqa iyo wax is daba marinta la xiriirta doorashada, iyadoo magaalada Cadaado la sheegayo in si xun loo maamulay doorashada.

Si kasta ha ahaatee danjiraha ayaa wuxuu siddan oo kale horay soo kormeeray magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo, halkaas oo ay ka socdaan doorashooyinka aqalka hoose.

Dhanka kale Danjire Micheal Keating ayaa sheegay in laga yaabo in Jadwalka doorashada Madaxweynaha xiga ee Somalia ay dib u dhacdo dib u dhacdo.

Danjire, Micheal Keating ayaa sheegay in Doorashada Madaxweynaha aysan dhici karin in Waqtigii loo qorsheeyay oo ku Aaddan Maalinta Arbacada ah nagu soo foolka leh, isagoo intaas ku daray in dib u dhac uu ku imaan karo Doorashada.

Sidoo kale, Ergayga QM ee Somalia oo la hadlayay |Barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da, ayaa sheegay in Shaki weyn laga qabo in Doorashada ku dhacdo Xilligii la Qorsheeyay oo ah 30-ka bishan November.

Ergaygu wuxuu sheegay in Doorashada laga yaabo inay dhacdo 15-ka bisha December ee soo socota, Taas oo Micnaheedu yahay in dhawr Maalmood ay dib uga dhici karto Xilligii loo qorsheeyay.

Ugu dambeyn, Dhinaca Micheal Keating ayaa sheegay in Doorashada labada Afhayeen ee Baarlamaanka marka laga yimaado ay muhiim tahay in la dhammeystiro Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Soomaalya.

Si kastaha ha ahaatee, Hadalka Ergayga QM ee Soomaalya, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawr jeer ay doorashada Madaxweynaha Somalia dib u dhacday, dhawrkii bilood ee lasoo dhaafay.

SomaliSwiss           Cadaado

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: